Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururka SYL

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururka SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii Ururka SYL iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ubax dhigay taallada SYL, si loo maamuuso halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed iyo doorkii taariikhiga ahaa ee ay dhallinyaradii Soomaaliyeed ku lahaayeen xoreynta dalka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururka SYL

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halyeeyadii ku mideysnaa Ururka SYL ay ahaayeen astaan qaran oo horseeday baraarug, midnimo iyo gobannimo Soomaaliyeed, kuwaas oo saldhig u noqday helitaanka xorriyadda iyo yagleelidda dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururka SYL

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in jiilka cusub ee Soomaaliyeed ay ka dhaxlaan waddaniyadda, himilada iyo midnimadii ay ku caanbaxeen aas-aasayaashii SYL.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaataan difaaca dalka, dib-u-dhiska qaranka, ilaalinta midnimada iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururka SYL

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhallinyaro leh aragti qaran, karti iyo mas’uuliyad wadajir ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal nabdoon, horumar leh oo mideysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururka SYL
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururka SYL

Si kastaba ha ahaatee, 15-ka May ayaa sanad kasta Soomaaliya looga dabaaldegaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo aas-aaskii Ururka SYL, oo door weyn ka qaatay halgankii gobannimo-doonka iyo xoreynta dalka.