Wasiirka gaashaandhiga oo shaaciyay qorshaha ay Israel ka damacsan tahay Somaliland

Wasiirka gaashaandhiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Israel ku eedeeyay inay qorsheyneyso in qaxootiga reer Falastiin laga soo saaro Gaza, loona raro Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah sharciga caalamiga.

Wasiir Fiqi oo maalintii shalay wareysi siiyay Aljazeera ayaa sheegay in Soomaaliya ay heshay xog muujineysa in Israel ay qorsheyneyso in shacabka Falastiiniyiinta ah ay geeyso Somaliland, taasoo ay dowladda federaalka walaac ka qabto.

Somaliland ayaa dhawaan iska diiday in qorshahaasi uu jiro, balse wasiirka arrimaha dibadda ee Israel Gideon Sa’ar ayaa dhawaan wareysi uu bixiyay ku sheegay in qaxootiga Gaza ee lagu rarayo Somaliland aanay heshiiskooda qeyb ka ahayn.

“Waxaan u maleynayaa inaan leenahay mowduucyo badan oo ku saabsan siyaasadda, amniga, horumarinta, iyo kuwo kale oo aan la horumarin doonno Somaliland, waxaanna oran karaa arrintani kama mid aha heshiiskayaga,” Sidaas waxaa yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Israel Gideon Sa’ar.

Dhinaca kale, wasiir Fiqi ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu ka noqdo aqoonsiga Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay weerar toos ah oo lagu qaadayo madax-bannaanida Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa Israel ku eedeeyay inay dooneyso in saldhig milateri ay ka sameeysato Bab Al-Mandeb, halkaasi oo uu ku tilmaamay marin muhiim ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isagoo sheegay in talaabadaas ay xasillooni darro ka abuuri karto gobolka.

Ugu dambeyntii, wasiir Fiqi ayaa sheegay Israel inay raacayso istaraatiijiyad lagu kala ja-jabinayo dowladaha gobolka, isagoona ku dooday in aqoonsiga ay siisay Somaliland uu la jaan-qaadayo hannaan ballaaran oo hore u jiray.

“Muddo dheer ayay Israel hiigsaneysay hadafyo iyo qorshayaal lagu kala qeybinayo dalalka, laga yaabee ku dhawaad 20 sano, waxayna doonaysaa inay kala ja-jabiso khariidadda Bariga Dhexe, taasi waa sababta ay u heleen kooxdan gooni-goosadka ah ee waqooyi-galbeed Soomaaliya,” Ayuu yiri wasiir Fiqi.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadii uu dhawaan magaalada Hareysa ku yimid wasiirka arrimaha dibadda ee Israel Gideon Sa’ar, ayaa xiisad aad u xoogan dhalisay, waxaana tallaabadaasi cambaareeyay 22 dal iyo ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kuwaas oo tallaabadaasi ku tilmaamay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimadeeda dhuleed.