Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Ismaacïl Cumar Geelle.
Labada mas’uul ayaa kullankooda uga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda gobolka, xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga ganacsi iyo horumarinta adeegyada.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta xiriirka labada dal.
“Waxaan saakay soo gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu si diirran iigu soo dhaweeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wadahadalladeennu waxay diiradda saareen isbeddelada juqraafi siyaasadeed, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah, gaar ahaan ganacsiga, iyo horumarinta, iyadoo dib loo xaqiijinayo ka go’naanshahayaga wadajirka ah ee xasilloonida, isku xirka dhaqaalaha, iyo barwaaqada wadajirka ah” Ayuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku yiri bartiisa X.
Si kastaba ha ahaatee, safarkaan ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee Jabuuti ayaa qeyb ka ah dadaallada gobolka lagu xoojinayo nabadda iyo isku xirka dhaqaalaha ee Geeska Afrika.

