Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in laamaha ammaanka Puntland ay saaka xabsiga dhigeen weriye Suways Jaamac Maxamuud (Gacayte), oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala magaaladaasi.
Weriye Suways Gacayte ayaa la sheegayaa in la qabtay xilli ay ku sugneyd bartamaha magaalada Garoowe, iyadoo sidoo kale ciidamada amniga ay subaxnimadii hore ee saaka tageen guriga ay ka deggen tahay magaalada.
Suways Gacayte ayaa ka mid ah hawl-wadeenada warbaahinta dowladda, hase yeeshee illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta keentay xarigeeda, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ama laamaha ammaanka.
Sidoo kale, warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in weriyahaan uu hore dacwad uga gudbiyay wasiirkii hore ee warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin in arrintaasi ay xiriir la leedahay xarigeeda maanta iyo in kale.
Illaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland, oo ay kaga hadlayaan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga weriye Suways Jaamac Maxamuud (Gacayte).
Si kastaba ha ahaatee, xarigga weriye Suways Gacayte ayaa ku soo beegmaya xilli inta badan saxafiyiinta ku sugan deegaanada Puntland ay cabashooyin ka muujinayaan xorriyadda saxaafadda iyo xiriirka u dhexeeya warbaahinta iyo hay’adaha dowladda Puntland.