Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka doorashada maamul goboleedka Galmudug, kaddib markii uu guda galay fulinta waajibaadka dastuuriga iyo sharciyeed ee loo igmaday.
Guddiga ayaa sheegay in go’aankan uu ku saleysan yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu siinayo qodobka 10-aad ee sharciga dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, iyo sidoo kale qodobka 18-aad ee sharciga doorashooyinka qaranka.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu caddeeyay in jadwalkaan uu qayb ka yahay dadaallada lagu hirgelinayo hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo loo marayo habraacyada iyo xeerarka u degsan doorashooyinka heer maamul goboleed.
Sidoo kale, guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay u hoggaansamaan jadwalka iyo habraacyada la shaaciyay, si loo xaqiijiyo hufnaan, daahfurnaan iyo in doorashadu ku dhacdo si waafaqsan shuruucda dalka.
Ugu dambeyn, guddiga ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah, kuwaas oo ku saleysan mabaadi’da dimuqraadiyadda, ka qaybgalka shacabka iyo ku dhaqanka sharciga.
