Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay heshiiska lagu dhisay IGAD

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay heshiiska lagu dhisay IGAD
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo codeyn sameynaya

Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kullan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay heshiiska lagu dhisay urur goboleedka IGAD.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kullankaasi shir-guddoominayay ayaa waxay xildhibaanada marka hore bilaabeen akhrinta heshiiska uu soo gudbiyay guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee golaha shacabka Xildhibaan Aweys Xuseen Macallin.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa markaasi kadib cod u qaaday heshiiskaasi, waxaana oggolaaday 141 xildhibaan, halka labo xildhibaan ay diideen, hal xildhibaan-na uu ka aamusay, taas oo ka dhigan in heshiiska si rasmi ah loo ansixiyey.

Dhinaca kale, xildhibaanada ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka sharciga ciqaabta, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka.

Warbixinta akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedkan waxaa golaha la wadaagay wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Xasan Macallin Maxamuud.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa su’aalo la xiriira mabaadi’da guud ee hindise-sharciyeedka weydiiyey wasiirka, kaas oo si faah-faahsan uga jawaabay su’aalihii la weydiiyay.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiga ku shaqada leh inay soo diyaariyaan akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, islamarkaana golaha dib loogu soo celiyo si akhrinta labaad loo marsiiyo loogana doodo.