Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu safar ku tago dalka Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ka dhoofay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku guddoomin doono kullan ka mid ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqon doonna madaxweynihii ugu horreeyay oo Soomaali ah islamarkaana guddoomiya kulan golaha ammaanka, taas oo loo arko guul taariikhi ah oo diblomaasiyadeed ee usoo hoyatay Soomaaliya.

Waxaa la filayaa inta uu kulanka golaha ammaanka, in madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad rasmi ah ka jeedin doona halkaasi, taas oo uu si faahfaahsan uga hadli doono damaca gurracan ee Yuhuuddu ay ku doonayaan in lagu kala qeybiyo midnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu goobta ka caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee New York ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay si weyn ugu jirto masraxa caalamka, isla markaana ay doonayso inay xoojiso doorkeeda diblomaasiyadeed iyo matalaaddeeda Qaramada Midoobay.