Xildhibaanada mucaaradka ee labada aqal oo ka digay wax-ka-beddelka dastuurka KMG

Xildhibaanada mucaaradka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya

Xildhibaanada mucaaradka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si adag uga digayaan wax-ka-beddelka dastuurka ee aan marin habraacyadii rasmiga ahaa iyo wadatashiyo qaran.

Xildhibaanada ayaa tilmaameen in qorshayaasha wax-ka-beddelka ee lagu soo koobayo Baarlamaanka Muqdisho ay khatar ku yihiin sharciyadda, midnimada dalka, iyo mustaqbalka dawladnimada Soomaaliya.

Waxay caddeeyeen in difaaca Dastuurku uu yahay waajib qaran, ayna tahay in wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo heshiis siyaasadeed, wadatashi qaran, iyo habraac sharci oo sax ah, balse uusan ahayn mucaaradnimo ama mid dano gaar ah laga leeyahay.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in Dastuurka Federaalka uu weli yahay mid ku meel gaar ah, isla markaana ay jiraan qodobo asaasi ah oo u baahan heshiis ballaaran, sida qeybsiga awoodaha, maamulka kheyraadka, qaab-dhismeedka garsoorka iyo xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Xildhibaanadu waxay ka digeen in ku deg-degidda wax-ka-beddelka Dastuurku ay dhaawici karto nidaamka dowlad-dhiska, kalsoonida muwaadiniinta, amniga, iyo xasilloonida dalka, ayna furi karto albaab khilaaf hor leh.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan 50 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa laga mamnuucay fadhiyada labada aqal, oo weli ku hawlan arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka.