Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee wasaaradda maaliyadda ee dalka, kaas oo dabooli doonno baahiyaha shaqo ee wasaaradda, islamarkaana fududeyn doonno howlaha maaliyadeed ee dalka.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay siyaasadda xukuumadda Dan-Qaran, kaas oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka mudane Biixi Iimaan Cige, iyo shaqaalaha wasaaradda ku ammaanay dadaalka ay geliyeen ee ku aaddan casriyeynta kaabeyaasha dakhliga dalka.
Dhismaha cusub ayaa yeelan doona xafiisyo casri ah, bad-qab degaan, tamar waarta, iyo koronto joogto ah, waxaana ka qeyb qaadanaya Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank).
Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dhismahani uu si weyn u fududeyn doono howlaha wasaaradda, yareyn doono ciriiriga xafiisyada, islamarkaana kor u qaadi doono tayada adeegga bulshada Soomaaliyeed.