Wasiirka caafimaadka oo ka qayb-galay shir muhiim ah oo ka dhacay Geneva

Wasiirka caafimaadka oo ka qayb-galay shir muhiim ah oo ka dhacay Geneva
Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam oo ka qayb-galaya shir ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qayb-galay furitaanka shirka 158-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

Shirkan oo ah mid sannadle ah, ayaa looga hadlaa dejinta siyaasadaha iyo go’aammada masiiriga ah ee saameeya nidaamka caafimaadka caalamka, islamarkaana madal muhiim u ah falanqaynta caqabadaha caafimaad ee ka jira dunida iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dalalka xubnaha ka ah hay’adda.

Soomaaliya ayaa ka mid ah 34-ka dowladood ee hadda ku fadhiya kursiga Guddiga Fulinta (Executive Board), taas oo fursad weyn u siinaysa inay cod iyo kaalin firfircoon ku lahaato go’aannada heer caalami ee la xiriira badqabka bulshooyinka.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe istiraatiijiyadeed oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso inay Soomaaliya dib ugu soo celiso masraxa caalamka, iyadoo Dr. Cali Xaaji uu matalayo codka iyo saamaynta ay Soomaaliya ku dhex leedahay ururada iyo hay’adaha caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, shirkani ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaarayaa dadaallada lagu tayeeynayo adeegyada caafimaadka ee dalka, iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay in lasoo jiito taageero caalami ah oo wax ka tarta dhibaatooyinka caafimaad ee ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed.