Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Dr. C/laahi Bin Saalim Al-Nucaymi,
Kulanka ayaa xooga lagu saaray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo ee dalka.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa muujiyay sida ay xukuumaddiisu uga go’an tahay in la dardar-geliyo fulinta heshiisyadii iskaashi ee dhawaan la kala saxiixday, kuwaas oo taabanaya arrimo istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin difaaca, xasillinta, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Waxa uu sidoo kale si gaar ah uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.
Dhankiisa, Danjire Dr. C/laahi Bin Saalim Al-Nucaymi ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Qatar ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in Qatar ay ku qanacsan tahay horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib u dhiska iyo soo celinta xasilloonida.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan labada dhinac ayaa muujinaya xiriirka dhow ee ka dhexeeya labada dal, waxaana la filayaa inuu horseedo iskaashi miro dhal ah oo wax ku ool u noqda horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.