Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta magaaladaas, kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidamada la wareegay magaalada Baraawe ayaa isugu jira kuwa gaarka ah ee Haramcad iyo cutubyo ka tirsan Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo haatan si buuxda u maamulaya xaaladda amni ee magaaladaas.
Isbeddelkan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo xaaladda weli ay tahay mid aan la saadaalin karin, isla markaana aan wax jawaab ah laga helin maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, magaalada Baydhabo ayaa laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan iyo kacsanaan ka dhex taagan dhinacyada siyaasadeed ee is diidan, gaar ahaan ciidamada daacadda u ah maamulka iyo kooxo mucaarad ah oo ka soo horjeeda hoggaanka madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Baraawe ayaa haatan isu beddeshay goob istaraatiiji ah oo laf-dhabar u ah loolanka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, iyadoo ay isha ku hayaan dhinacyada isku haya awoodda iyo saameynta siyaasadeed ee gobolka.