Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay banaanbaxa ay qorsheeyeen inuu maalinta berri ah ka dhaco magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu yahay mid ay shacabka ku muujinayaan cabashooyinkooda iyo dhibaatooyinka haysta.
Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in banaanbaxu uu si rasmi ah u bilaaban doono saacadda 7:00 subaxnimo ee maalinta berri, isaga oo shacabka ugu baaqay inay u istaagaan difaaca xuquuqdooda dastuuriga ah.
Sidoo kale, wuxuu xusay in banaanbaxu yahay mid nabadeed oo lagu muujinayo aragtida iyo fikirka shacabka, isla markaana lagu cabbirayo dhibaatooyinka ay tabanayaan, isagoo tilmaamay in ujeeddada banaanbaxu aysan ahayn mid lagu abuurayo rabshado ama qalalaase amni.
Dhinaca kale, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in haddii waxyeello loo geysto dadka banaanbaxa dhigaya ama madaxda mucaaradka, mas’uuliyadda ay dusha ka saaran tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo ciidamada ammaanka uga digay in loo adeegsado arrimo siyaasadeed ama lagu cadaadiyo shacabka ku sugan magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in banaanbaxu yahay mid nabadeed, islamarkaana ka dhici doonno guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir, isagoona ugu baaqay shacabka ka qeyb-galaya inay ilaaliyaan nidaamka iyo amniga, kana fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado.
Si kastaba ha ahaatee, hadalladan kasoo yeeray Xasan Cali Khayre ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay si cad uga hortimid qorshaha banaanbaxa, iyadoo laamaha ammaankuna ay hore uga digeen isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho.