Laftagareen oo sheegay inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa markale ku celiyay inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulkaas, isagoona sheegay in xilkaas uusan weli ka tanaasulin.

War-saxaafadeed uu soo saaray C/casiis Laftagareen ayuu ku sheegay inuu weli yahay madaxweynaha sida sharciga ah loogu doortay maamulka Koonfur Galbeed, isagoona sidoo kale beeniyay warar maalmihii lasoo dhaafay la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu ku biiray mid kamid ah ururrada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

Laftagareen ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay inuusan qayb ka ahayn wax urur siyaasadeed ah, islamarkaana uu sii wadanayo waxa uu ku tilmaamay “difaaca sharciyadda iyo jiritaanka maamulka Koonfur Galbeed.”

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka taagan tahay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo loollan la xiriira hoggaanka maamulkaasi.

Laftagareen oo sheegay inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed