Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in muddo xileedkiisa ku egyahay 15-ka May 2027

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in muddo xileedkiisa ku egyahay 15-ka May 2027

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah ugu eg yahay 15-ka May 2027, isagoo difaacay wax-ka-beddellada dastuurka iyo qorshaha dowladda ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta 15-ka May iyo aas-aaskii ururkii SYL ayaa sheegay in hay’adda sharciga u leh ay ansixisay muddo-xileedka cusub, taas oo uu ku tilmaamay “rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.”

“Muddo xileedka hay’adaha dowladda oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo, wuxuu dhacayaa 15-ka May 2027, ma ahan mid aan anigu gaaray ee baarlamaanka Soomaaliya oo ah hay’addii sharciga u lahayd ayaa gaartay go’aanka, taasna macnaheedu waa in shacabka Soomaaliyeed ay gaareen, waana dhaqan gelinaynaa” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa si adag u difaacay wax-ka-beddelka dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka dadweynaha, isagoo sheegay in dowladda ay fulineyso ballanqaadyadii ay shacabka u sameysay, sida dhameystirka dastuurka, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo ka gudbidda nidaamka doorashooyinka dadban.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo dib usoo kabashada dhaqaalaha dalka.

Waxa uu tusaale usoo qaatay xubinnimada Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dib-u-habeynta lagu sameeyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo xusay in arrimahaasi ay muujinayaan horumarka ay gaartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliilay siyaasiyiinta kasoo horjeeda hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isaga oo sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay doonayaan in dalka lagu sii hayo nidaamkii hore ee 4.5 iyo doorashooyinka dadban, isagoo nidaamkaasi ku tilmaamay mid horseeday qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimid dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay dhageysiga aragtiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta kale, balse uu carrabka ku adkeeyay in dastuurka la dhaqan geliyay uu yahay mid sharci ah oo lagu maamulayo dalka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadallo u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen wakiillo ka socday beesha caalamka, iyadoo dhinacyadu isku mari waayeen arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.