Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Yuusuf Bootaan Ciise, oo horey usoo noqday xildhibaan iyo wasiir ku-xigeen ka tirsanaa maamulka Puntland.
Sida wararku tilmaamayaan, dilka ayaa waxaa geystay wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Bootaan, kaasi oo la sheegay inuu la tacaalayay xanuun dhanka dhimirka ah.
Dilka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafadda Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Boosaaso, iyadoo wiilka lagu eedeeyay inuu aabihii ku weeraray toorey, taas oo sababtay dhimashadiisa.
Ciidamada ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, waxayna gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha, halka ay haatan socdaan baaritaanno la xiriira dhacdadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay magaalada Boosaaso ay kusoo kordhayeen falal amni darro iyo dilal kala duwan, kuwaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amniga ee magaalada.