Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maalintii shalay dhageysatay dacwad ka dhan ah labo muwaadin oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-shabaab.
Eedeysanayaasha oo kala ah Xamza Ibraahim Cali (Abuu Irshad) iyo Nasri C/raxmaan Cali (Abuu Safiya), ayaa dacwad ay soo gudbiyeen xeer-ilaaliyeyaasha militariga, lagu sheegay in labadaasi eedeysane lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay ciidamada amniga Soomaaliya ka fuliyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Warbixinta la horgeeyay maxkamadda ayaa tilmaantay in labada eedeysane ay kasoo jeedaan qowmiyadda Oromada, isla markaana ay ku dhasheen magaalada Harar ee dalka Itoobiya, ayna si wanaagsan ugu hadlaan afka Soomaaliga.
Xeer-ilaalintu waxay maxkamadda u sheegtay in eedeymaha loo haysto labada eedeysane ay la xiriiraan ka qaybgal dagaallo iyo tababaro militari oo lala xiriirinayo kooxaha Al-shabaab, iyo sidoo kale duruufaha ku xeeran qaabka iyo ujeeddada soo gelitaankooda gudaha dalka Soomaaliya.
Xeer-ilaalintu waxay maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaashaasi lagu xukumo ciqaab adag oo waafaqsan dambiyada lagu soo oogay, iyadoo lagu dooday in kiiskani uu yahay fariin digniin ah oo loo dirayo cid kasta oo isku dayda inay ku biirto ama la shaqeyso kooxaha argagixisada.
Dhinaca kale, qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka hor sheegay in aysan jirin caddeymo buuxa oo muujinaya dambiyada lagu soo oogay, isagoo eedeymaha ku tilmaamay kuwo culus oo aan si sharci ah loo xaqiijin.
Qareenku wuxuu sidoo kale maxkamadda ka codsaday in labada eedeysane dib loogu celiyo dalka Itoobiya, si ay ula midoobaan qoysaskooda, maadaama aysan jirin, sida uu sheegay, caddeymo toos ah oo ku filan xukunkooda.
Ugu dambeyn, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay inay weli socdaan dhageysiga iyo falanqaynta doodaha labada dhinac, isla markaana go’aanka kama dambaysta ah lagu dhawaaqi doono marka ay dhammaato dib u eegista dacwadda.