Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo bilaabay abaabul aad u xooggan iyo xiisadda oo kacsan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa haatan bilaabay abaabul aad u xooggan iyo wadatashiyo la xiriira qaban-qaabada bannaanbax la filayo inuu 4-ta bishaan ka dhaco magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo habeenkii xalay u guuray xarun cusub oo ku taalla deegaanka Mirinaayo ee degmada C/casiis, ayaa sida la sheegay qorsheeynayo inuu halkaasi kasoo abaabulo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo hadal kooban ka jeediyay xaruntaasi cusub ayaa sheegay in bannaanbaxa ay qorsheeyeen 4-ta bishaan uu ku dhici doono sidii loogu talla galay, isagoona meesha ka saaray wararka sheegaya in bannaanbaxaasi uu dib u dhac ku imaan karo.

Sidoo kale, wuxuu taageerayaashiisa ugu baaqay inay si firfircoon uga qeyb qaataan bannaanbaxa, isla markaana ay si buuxda ugu diyaar garoobaan ka qeybgalka marka si rasmi ah loo shaaciyo goobaha lagu qabanaayo.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, xarunta cusub ayaa sidoo kale lagu go’aamin doonaa qodobbada ugu muhiimsan ee la xiriira bannaanbaxa, oo ay ka mid yihiin goobaha la isugu imaanayo, habraacyada amniga, iyo qaabka looga falcelinayo caqabad kasta oo hor istaagi karta qorshaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku doodaya in bannaanbaxan uu yahay mid lagu muujinayo mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in hay’adaha dastuuriga ah ee dalka ay si sharci ah u shaqeynayaan, isla markaana geeddi-socodka siyaasadeed uu ku socdo hannaan waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda iyo mucaaradka ayaa maalmihii u dambeysay si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo indhaha shacabka iyo beesha caalamka ay si dhow ula socdaan sida ay xaaladdu isu beddeli doonto iyo natiijada ka dhalan karta dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.