Ciidamada dowladda oo bilaabay howlgal culus oo hubka sharci-darrada ah lagu uruurinayo

Ciidamada dowladda oo bilaabay howlgal culus oo hubka sharci-darrada ah lagu uruurinayo

Taliska booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ammaanka iyo booliska ay bilaabeen howlgal ballaaran oo lagu uruurinayo hub sharci-darro ah oo ay ku sheegeen in illaaladii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay ku qariyeen xaafado ka tirsan degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guda jiraan howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo lagu qariyey degmada C/casiis, iyadoo ujeedku yahay in laga hortago in hubkaas loo adeegsado falal amniga lid ku ah.

“Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu uruurinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray degmada C/casiis ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qariyey goobo kala duwan” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Sidoo kale, taliska ayaa ugu baaqay shacabka ku nool degmada C/casiis iyo nawaaxigeeda inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada, iyadoona looga digay shacabka inay guryahooda ku kaydsadaan ama ku qariyaan hub sharci-darro ah oo khatar ku ah amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka

“Hadaba, dadweynaha Soomaaliyeed ee dagan degnada C/casiis iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargelinayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee gudanaya waajibaadkooda qaran, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada, qofna lagama aqbali doono inuu gurigiisa ku keydiyo ama ku qariyo hub sharci-darro ah oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga magaalada Muqdisho iyo kan guud ahaan dalka” Ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka

Dhinaca kale, taliska booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha kaydinta, qarinta ama fududeynta dhaqdhaqaaqa hub sharci-darro ah laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan sharciga dalka.

Ugu dambeyn, taliska booliska ayaa shacabka ku booriyay inay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta hub sharci-darro ah, islamarkaana la wadaagaan hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ilaalinta nabadgelyada, iyagoo soo wacaya numberada 991ama 199.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn u xoojiyeen amniga magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada C/casiis, halkaas uu ka dhacay dagaal aad u xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo illaalada gaarka ah ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.