Milkiilaha Elite Hotel oo si kulul uga hadlay howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen hoteelkiisa

Milkiilaha Elite Hotel, C/laahi Maxamed Nuur

Milkiilaha Elite Hotel, C/laahi Maxamed Nuur, oo hore u soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya, haatanna ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa si kulul uga hadlay howlgal ay maanta ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka fuliyeen hotelkiisa oo ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay saaka si xoog ah ku galeen hoteelkiisa, iyagoo ku hubeysan hubka culus oo ay ku jiraan qalab uu ku tilmaamay mid halis ah, isla markaana aanay ujeedkoodu ahayn kaliya baaritaan, balse ay ahayd inay dhacaan islamarkaana burburiyaan ganacsigiisa.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 6 June 2026, saacadu marki ay ahayd 11:30am waxaa xoog ku galay Elite Hotel, oo ah goob ganacsi ciidamo ku hubaysan hub aad u culus oo ay kujiraan walxaha qarxa, sida miinooyin iyo kuwa dhismayaasha lagu dumiyo waxayna lawareegeen gabi ahaan hoteelka, ayaga oo ilaaladi iyo shaqaalihi koobnaa ee gudaha kujiray isugu geeyay goob gaar ah, una sheegay in ay baarayaan hotelka.” Ayuu yiri C/laahi Maxamed Nuur.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada gudaha u galay ay wateen hub culus, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa in howlgalka aanu ku ekayn baaritaan, balse uu yahay mid lagu waxyeelleynayo hanti iyo sumcad ganacsi.

“Hubka culus ee ay gudaha la galeen ciidamada wuxuu muujinayaa in aan qorshuhu ahayn baaritaan balse uu yahay in hotelka la burburiyo lana boobo dhammaan hantida taalla gudaha hoteelka,” Ayuu sidoo kale qoraalkiisa ku yiri C/laahi Maxamed Nuur

Ugu dambeyn, C/laahi Maxamed Nuur ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu ka dambeeyo howlgalka, isla markaana uu qaadi doono mas’uuliyadda wixii khasaare ah ee soo gaara hoteelka, inkastoo eedeyntaas aan la xaqiijin karin.

Ilaa iyo haatan, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ama taliska booliiska gobolka Banaadir oo ay kaga jawaabayaan eedeymahaas loo jeediyay.

Si kastaba ha ahaatee, taliska booliska gobolka Banaadir ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamada ammaanka iyo kuwa booliska ay wadaan howlgallo amni oo lagu ururinayo hub sharci-darro ah laguna xaqiijinayo amniga degmada C/casiis iyo guud ahaan caasimadda Muqdisho.