Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay weerarkii dhawaan lagu qaaday hoyga uu degmada H/wadaag ka deganaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, iyo sidoo kale hub maalintii shalay uu soo bandhigay taliska booliska gobolka Banaadir.
Sheekh Shariif oo marka ka hadlay weerarkii lagu qaaday Khayre ayaa sheegay in xilligii uu weerarku dhacayay uu Khayre martigelinayay odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo shir uga socday gurigaas.
Wuxuu tilmaamay in weerarku uu sababay cabsi iyo walaac, isla markaana uu horseedi lahaa xaalad amni oo aad u daran haddii mid ka mid ah odayaashaasi ama ugaaska uu ku dhiman lahaa.
Sheekh Shariif ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyay dhibaatadii iyo khasaaraha ka dhashay dhacdadaas, isagoo la wadaagay dareenka bulshada ay arrintu saameysay, isagoona carrabka ku adkeeyay in falalka noocan oo kale ah ay sii hurin karaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa bulshada haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban.
“Weerarkii lagu qaaday hoyga Khayre wuxuu ahaa mid ugub ah, goobta waxaa ku sugnaa odayaal dhaqameed iyo ugaaska beesha Murusade, bal ka waran hadii weerarkaas odayaasha ama ugaaska ay ku dhiman lahaayeen, ma u maleynaysaa in beel dhan ugaaskooda ama odayaashooda hadii wax soo gaaraan, in nabad lagu joogi lahaa” Sidaas waxaa yiri Sheekh Shariif
Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay hub maalintii shalay uu soo bandhigay taliska booliska gobolka Banaadir, kaas oo si weyn looga hadal hayay warbaahinta.
Wuxuu sheegay in hubkaas aanu waxba kulahayn, isagoo soo bandhigista hubkaas ku tilmaamay mid loo adeegsanayay ujeeddooyin siyaasadeed, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya in hubkaasi isaga leeyahay ama uu ku lug leeyahay.