Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay saameynta uu reebay dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo illaalada siyaasiyiinta mucaaradka oo 3-dii bishaan ka kala dhacay degmooyinka H/wadaag iyo C/casiis ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Jowhar ayaa sheegay in dagaaladaasi ay si weyn u saameeyeen kalsoonida maalgashatada caalamiga ah, isagoo tilmaamay in ay jireen shirkado iyo maalqabeeno diyaar u ahaa in ay Soomaaliya ku maalgashadaan, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo shidaalka, balse ay dib uga laabteen qorshayaashoodii sababo la xiriira xaaladda amni iyo deganaansho la’aanta ka dhacday caasimadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka faafinta muuqaallo iyo sawirro hore oo la xiriira dagaalo dhacay xilliyo kala duwan, taas oo uu ku sheegay inay wiiqeyso kalsoonida maalgashatada, isla markaana ay dhaawaceyso sumcadda dalka.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay gobolka Banaadir iyo magaalada Baydhabo, isagoona ku tilmaamay kuwo muhiim u ah horumarka nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladdu ugu jirto xasillooni siyaasadeed oo waarta.
Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo amniga, soo jiidashada maalgashiga, iyo xasillinta guud ee dalka, si Soomaaliya ay ugu soo laabato kalsoonida caalamka iyo fursadaha horumarineed ee ay u baahan tahay.