Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa yeeshay kulan looga arrinsanayay xaaladda amniga deegaanada maamulkaasi, iyadoo kulankaasi lagu lafa-guray qorshayaasha lagu xoojinayo nabadgelyada iyo tallaabooyinka cusub ee lagu sugayo ammaanka shacabka.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka amniga naamulkaasi iyo saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan, iyadoona mas’uuliyiinta amniga ay halkaasi kusoo bandhigeen warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee guud ahaan deegaannada maamulka iyo qorshayaasha lagu wajahayo caqabadaha jira.
Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta nidaamka amniga magaalooyinka iyo kor u qaadista howlgalada lagu xaqiijinayo xasilloonida, iyadoona ugu dambeyn la isla gartay in la qaado tallaabooyin lagu xakameynayo hubka lagu dhex qaato magaalooyinka iyo dhaqdhaqaaqyada gaadiidka dagaalka.
Go’aannada kasoo baxay kulanka waxaa ka mid ah in ciidamada aan ku labisnayn dareeska rasmiga ah aan loo oggolaan doonin inay hub ku dhex qaataan magaalooyinka, halka sidoo kale la mamnuucay in gaadiidka dagaalka lagu dhex isticmaalo gudaha magaalooyinka haddii aysan qeyb ka ahayn howlgal amni oo rasmi ah.
Sidoo kale, maamulka ayaa shaaciyay qorsheyaal lagu bilaabayo howlgallo amni oo lagu furayo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira degmooyinka Koonfur Galbeed, si loo fududeeyo isu socodka shacabka iyo gaadiidka ganacsiga.
Ugu dambeyn, hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in amniga iyo xasiloonidu yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar iyo adeegyo bulsho oo waara, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhaxeeysa shacabka iyo hay’adaha amniga.
Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu kordhinayo dadaallada lagu xoojinayo amniga deegaanadiisa, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda nabadgelyada, furista waddooyinka muhiimka ah iyo la dagaalanka falalka amniga lidka ku ah.