Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magacaabay guddi farsamo oo loo xil saaray diyaarinta wadahadalada la qorsheynayo inay dhex maraan dowladda federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, xilli ay isa soo tarayaan baaqyada ku aaddan in xal wadajir ah laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.
Guddigaan oo ka kooban xubno ka socda Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, ayaa la filayaa inay door weyn ka qaataan fududeynta wada-xaajoodyada iyo dhisidda jawi ku habboon in dhinacyadu ku yeeshaan wadahadal miro dhal ah.
Xubnaha guddiga la magacaabay waxaa kamid ah Maxamed C/qaadir Dhabancad, C/rashiid Jire Qalinle, C/raxmaan C/shakuur Warsame, C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo C/raxmaan Ceynte.
Sida ay tilmaamayaan xogaha la helayo, guddigaan ayaa ka shaqeyn doonna isku dubbaridka dadaallada kala duwan ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee lagu doonayo in dib loogu furo wadahadalo rasmi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, si loo yareeyo xiisadaha siyaasadeed, loona abuuro is-afgarad ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Dhinaca kale, dowladda Turkiga ayaa weli wada dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo dhaweeyo mowqifyada dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyadoo Turkiga uu door muuqdo ku leeyahay taageeridda geeddi-socodka wadahadalka iyo xasilloonida dalka.
Dadaalladaan ayaa loo arkaa tallaabo cusub oo kor u qaadi karta fursadaha wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed, xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo la xiriirta doorashooyinka, dib-u-habeynta nidaamka dowladeed iyo xoojinta wadajirka hay’adaha qaranka.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabista guddigaan ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhawaan shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto siyaasiyiinta mucaaradka, si looga wada hadlo khilaafaadka siyaasadeed iyo mustaqbalka geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.