Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dowladda uu hoggaamiyo.
Madaxweyne Deni, oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay in hay’adaha dowladda federaalka ay lumiyeen sharciyaddii ay ku shaqeynayeen kadib 15-kii May, isagoo tilmaamay in siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay Xasan Sheekh u aqoonsan yihiin “madaxweyne hore”.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarradii dhawaan lagu qaaday guryaha ay magaalada Muqdisho ka deganaayeen qaar ka mid ah madaxdii hore oo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in weerarradaasi ay ahaayeen kuwo lagu doonayay in lagu caburiyo siyaasiyiinta mucaaradka, isla markaana lagu xaddido dhaqdhaqaaqooda siyaasadeed, taasoo uu tilmaamay inay dhaawaceyso kalsoonida iyo wadajirka siyaasadeed ee dalka.
Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay taageersan tahay in dalka lagu maamulo hannaan siyaasadeed oo lagu wada heshiiyey, balse uu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu faragelin ku sameeyay hay’adihii dowladda federaalka iyo nidaamkii federaalka ee hore loogu heshiiyey.
Wuxuu sheegay in Puntland ay sii wadi doonto inay si madax-bannaan u shaqeyso illaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo ay dhammaan dhinacyadu ku qanacsan yihiin, isagoo xusay in Puntland ay xaq u leedahay inay gasho heshiisyo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Ugu dambayn, madaxweyne Deni ayaa carrabka ku adkeeyay in Puntland aysan ka tanaasuli doonin mabda’a federaalka Soomaaliya, balse ay sii wadi doonto difaaca danaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee deegaannadeeda illaa laga helo hannaan qaran oo mideeya dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira nidaamka federaalka, dib-u-habaynta dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.