Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo weli ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa kulan muhiim ah halkaasi kula yeeshay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye.
Labada dhinac ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xasilloonida siyaasadeed, iyo dadaallada horumarineed ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoona sidoo kale iska xog-waraystay xaaladda dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga u dhaxeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Midowga Afrika, si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar bulsho oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye ayaa isna bogaadiyey dadaallada uu maamulka Koonfur Galbeed ka wado sugidda amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo xaqiijiyey in Midowga Afrika uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo dowlad-dhiska.
Si kastaba ha ahatatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo joogto ah oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo dardargeliyo nabadda iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.