Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jabuuti kaga qaybgali doono munaasabadda lagu xusayo 49 sano guuradii kasoo wareegatay maalintii ay Jabuuti xorriyaddeeda ka qaadatay gumeysigii Faransiiska, taas oo ku beegan 27-ka Juun 1977.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha dalkaasi Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan iskaashiga amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, iyo sidoo kale arrimaha Geeska Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah soo jireen ah, kaas oo ku dhisan iskaashi iyo taageero joogto ah, waxaana booqashadan lagu tilmaamay mid sii xoojin doonta xiriirka labada dal.