Xisbiga caddaaladda iyo wadajirka (JSP) ayaa maanta si rasmi ah ugu guddoonsiiyay Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) kaarka musharraxnimo ee uu xisbiga ku matalayo doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug, taas oo la filayo inay dhawaan ka qabsoonto deegaannada maamulka Galmudug.
Munaasabad lagu qabtay xarunta xisbiga ayaa lagu shaaciyay musharraxnimada Liibaan Shuluq, kaddib markii xubnaha Golaha Fulinta ee Xisbiga JSP ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen inuu noqdo musharraxa rasmiga ah ee xisbiga uga qeyb geli doona tartanka xilka madaxweynaha Galmudug.


Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray hadal-heyn iyo saadaal la xiriirtay cidda uu xisbigu u xulan doono musharraxnimada, iyadoo si gaar ah loo hadal hayay laba magac oo kala ahaa Mahad Maxamed Salaad iyo Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq).

Dhinaca kale, Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegayaa inuu ka tanaasulay tartanka musharraxnimada xisbiga, taas oo fursad u siisay Liibaan Shuluq inuu noqdo musharraxa keliya ee JSP ku matalaya doorashada madaxtinimada Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, xulashada Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo uu xisbiga JSP ku diyaarinayo loollanka siyaasadeed ee doorashada soo socota, iyadoo indhaha siyaasiyiinta iyo bulshada kala duwan ay ku wajahan yihiin sida uu u qabsoomi doono tartanka madaxtinimada maamulka Galmudug.