Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xarigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyay degmada Dayniile

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo xarigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyay degmada Dayniile

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay laba (2) kiiloomitir, taas oo laga hirgeliyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Waddadan cusub ayaa waxaa fulisay dowladda hoose ee Muqdisho, iyadoo qeyb ka ah qorshayaasha horumarineed ee lagu xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka degmooyinka kala duwan ee caasimadda.

Munaasabadda furitaanka waddada waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyo guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud, Cabdimajiid Daahir Aadan.

Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay in horumarinta waddooyinka ay door muhiim ah ka ciyaarto kobaca dhaqaalaha, hagaajinta isu-socodka bulshada, iyo casriyeynta muuqaalka guud ee caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale, waxay xuseen in dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee lagu ballaarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Waddadan cusub ayaa la filayaa inay si weyn u yareyso ciriiriga gaadiidka, isla markaana ay fududeyso isku socodka xaafadaha degmada Dayniile, taas oo kor u qaadi doonta dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku xirnaanta bulshada deegaanka.

Ugu dambeyn, mashruucaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda hoose ee Muqdisho ay ku horumarinayso kaabeyaasha waddooyinka iyo adeegyada bulshada ee caasimadda dalka.