Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jibriil C/rashiid Xaaji Cabdi, ayaa si adag u beeniyay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo la xiriira safar uu dhawaan ku tagay dalka Kenya.
War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in dhammaan eedeymahaasi yihiin kuwo been abuur ah, aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aan lagu hayn wax caddeyn ah.
Wuxuu caddeeyay inuusan marna ku lug yeelan wax falal ah oo wax u dhimaya amniga, madax-bannaanida, xasilloonida ama wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoona xusay in dhammaan waajibaadkiisa dowladeed uu u gudanayo si waafaqsan sharciga, nabadda gobolka iyo xiriirka deris-wanaagga.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Kenya ay tahay mid ka mid ah saaxiibbada iyo bah-wadaagta ugu muhiimsan ee Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta ay dowladda iyo shacabka Kenya ka qaateen martigelinta qaxootiga Soomaaliyeed, taageerada nabadda iyo amniga gobolka, gargaarka bani’aadannimo, iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Waxa uu intaa ku daray in labada dal ay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku dhisan dhaqan, qoys iyo ganacsi, isla markaana danta shacabka labada dhinac ay ku jirto xoojinta iskaashiga iyo xiriirka wadajirka ah.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, isdhexgalka gobolka iyo xiriirka bulshada.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la hubin, isagoo mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta nabadda, dowladnimada dastuuriga ah iyo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya.