Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta heshiis rasmi ah kala dhex dhigay laba beelood oo muddo dheer colaad sokeeye ka dhaxeysay, taas oo saameyn ku yeelatay amniga, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada ku dhaqan deegaannada waqooyiga gobolka Galgaduud.
Heshiiska oo ka dhacay deegaanka Cali Ganey oo hoos yimaada degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka qeyb galay waxgarad, cuqaal, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hirgelinta geeddi-socodka nabadeynta iyo xal u helidda khilaafkii mudada dheer soo jiitamayay.


Agaasime Mahad Maxamed Salaad oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta heshiiska nabadeed ee la gaaray, isaga oo ugu baaqay dhinacyada heshiiska saxiixay inay si dhab ah uga shaqeeyaan dhaqan-gelintiisa iyo xoojinta kalsoonida bulshada.


Wuxuu sidoo kale faray hay’adaha amniga inay si waafaqsan sharciga, tallaabo adag uga qaadaan cid kasta oo ku kacda falal lid ku ah qodobbada heshiiska ama isku dayda inay carqaladeyso nabadda iyo xasilloonida lagu heshiiyay, isagoona xusay in nabadda iyo wadajirka bulshada ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar waara.



Ugu dambeyn, Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayaa uga mahadceliyay waxgaradka, cuqaasha, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, isagoona ku boorriyay inay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta hubka sharci-darrada ah, sugidda amniga iyo ilaalinta nabadda deegaannada la wada dego.



Si kastaba ha ahaatee, beelaha heshiiska maanta la dhex dhigay ayaa kala degan degmooyinka Guriceel iyo Balanballe oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud, waxayna colaadu ka dhaxeeysay in muddo ah, taas oo saameyn ballaaran ku yeelatay amniga, xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada ku dhaqan deegaannada waqooyiga gobolka Galgaduud.