Guddoomiyaha SoDMA oo booqday degmada Buurhakaba, kana warbixiyay baahiyaha ka jira

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday degmada Buurhakaba, kana warbixiyay baahiyaha ka jira

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa booqasho shaqo ku tagay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo uu u tagay qiimeyn la xiriirta xaaladda bani’aadannimo iyo baahiyaha ay wajahayaan bulshada ku nool degmada iyo deegaannada hoos yimaada.

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday degmada Buurhakaba, kana warbixiyay baahiyaha ka jira

Wafdiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha SoDMA ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay, kuwaas oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna isku-duwaha arrimaha bani’aadannimada, George Conway.

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday degmada Buurhakaba, kana warbixiyay baahiyaha ka jira

Booqashadaan ayaa noqoneysa tii labaad ee guddoomiye Maxamuud Macalin Cabdulle ku tago degmada Buurhakaba, iyadoo qeyb ka ah dadaallada hay’adda SoDMA ay ku doonayso inay si dhow ula socoto xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada ay saameeyeen abaaraha iyo duruufaha nololeed ee adag.

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday degmada Buurhakaba, kana warbixiyay baahiyaha ka jira
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday degmada Buurhakaba, kana warbixiyay baahiyaha ka jira

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay biyo-xireenka ugu weyn degmada Buurhakaba, kaas oo la sheegay inuu u baahan yahay dayactir iyo dib-u-habeyn degdeg ah si loo kordhiyo helitaanka biyaha loona yareeyo saameynta abaarta soo noqnoqotay ee ka jirta deegaanka.

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday degmada Buurhakaba, kana warbixiyay baahiyaha ka jira

Ugu dambeyn, guddoomiyaha hay’adda SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in qiimeynta lagu sameeyay degmada Buurhakaba ay muujisay in weli ay jiraan baahiyo bani’aadannimo oo u baahan wax ka qabasho degdeg ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday degmada Buurhakaba, kana warbixiyay baahiyaha ka jira

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha gargaarka, si loo dardargeliyo gurmadka loona daboolo baahiyaha ay qabaan bulshada nugul ee ku nool degmada iyo deegaannada ku xeeran.