Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga jawaabay hadalo dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), kuwaas oo la xiriiray arrimaha aqoonsiga iyo safaro uu hore ugu tagay dalka dibadiisa.
Muuse Biixi ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa rasmiga ah ee Facebook-ga ku sheegay in hadallada uu madaxweyne Cirro ka jeediyay shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa si khaldan loo fasiray, gaar ahaan arrinta la xiriirta in Somaliland ay laba jeer aqoonsi ka heshay dalalka Guinea Conakry iyo Itoobiya.
Wuxuu si cad u sheegay inuusan waligiis ku dhawaaqin in aqoonsi rasmi ah laga helay dalalkaas, isagoo madaxweyne Cirro ku eedeeyay inuu si khaldan u soo bandhigay hadal uu hore uga jeediyay madaxtooyada Somaliland, islamarkaana si aan sax ahayn loo jarjaray loona beddelay macnihiisii asalka ahaa.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in hadallo uu hore u jeediyay madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, isna gebi ahaan meesha laga saaray, taas oo uu ku tilmaamay arrin saameyn ku yeelan karta fahamka guud.
Dhinaca kale, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in mowqifkiisu uu mar walba ahaa in qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay mudnaanta koowaad, balse loo baahan yahay in si taxaddar leh oo xeel dheer loo maareeyo, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah.
Ugu dambeyn, Muuse Biixi ayaa dhaliil u jeediyay madaxweyne Cirro, isagoo su’aal ka keenay habka loo maareeyay safarradiisa dibadda, gaar ahaan socdaal uu sheegay inuu hore ugu tegay Israa’iil oo aan si rasmi ah loo shaacin, taas oo uu ku tilmaamay mid dhalinaysa su’aalo ku saabsan daahfurnaanta xogta safarradaas.
Wuxuu sidoo kale sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Cirro uu ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu qaatay muddo, halka wafdi wasiirro ah oo la socdayna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen Itoobiya, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid su’aalo badan dhalinaysa.
Si kastaba ha ahaatee, hadalladan is-weydaarsiga ah ee labada mas’uul ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee u dhaxeeya hoggaanka hadda xilka haya iyo madaxdii hore ee Somaliland, gaar ahaan arrimaha la xiriira aqoonsiga, xiriirrada dibadda iyo jihada guud ee siyaasadda maamulkaas.