Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ka hor inta aan loo galbin xarunta madaxtooyada ee maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgali doona munaasabadda xafladda caleemo-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, oo ay haatan si weyn uga socota magaalada Baydhabo, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan wufuud iyo madax kala duwan oo ka kala yimid gudaha dalka.

Sidoo kale, magaalada Baydhabo waxaa haatan ku sugan madax kale oo ay kamid yihiin ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari Soomaaliya, guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo meesha u jooga ka qeyb galka munaasabadda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa maanta laga dareemayaa in si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah iyo hareeraha magaalada laga soo galo, si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo badbaadada madaxda iyo martida ka qeyb galaysa xafladaas.

Si kastaba ha ahaatee, xafladda caleemo-saarka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa la filayaa inay noqoto mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo magaalada Baydhabo ay haatan martigelineyso wufuud kala duwan iyo mas’uuliyiin heerar kala duwan leh oo xafladda ka qeyb galaya.