Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo booqday furimaha dagaalka ee Sh/dhexe

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Sh/dhexe

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Sh/dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka ee ka howlgala aaggaasi.

Booqashada mas’uuliyiintan ayaa qeyb ka ahayd dadaallada lagu xoojinayo xiriirka hoggaanka sare ee ciidamada iyo askarta ku jira furimaha dagaalka, iyadoo wasiirka iyo taliyaha ay si toos ah ula kulmeen ciidamada ku howlan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Sh/dhexe

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidamada uga mahadceliyey dadaallada ay ku bixinayaan difaaca dalka, isagoo ku ammaanay geesinimada, dulqaadka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii ay socdeen howlgallada lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-shabaab.

Waxa uu ciidamada ku boorriyey inay sii xoojiyaan howlgallada socda, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loona soo afjaro khatarta ka imaanaysa kooxda Al-shabaab, oo weli ku sugan deegaanno ka tirsan dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay garab istaagga ciidamada, iyadoo la xoojinayo taageerada dhinacyada qalabka, qorsheynta iyo howlgalada si loo dardargeliyo dadaallada lagu xoreynayo deegaannada ay kooxdu gacanta ku hayso.

Wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo booqday furimaha dagaalka ee gobolka Sh/dhexe

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo isna goobta ka hadlay ayaa ciidamada ku ammaanay feejignaanta iyo diyaar-garowga ay ka muujiyeen howlgallada socda, isagoo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn iyo isku-duubni ka dhexeysa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Taliyaha ayaa sheegay in hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay u socdaan qorshe mideysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo hadafka ah in laga saaro kooxda dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, kormeerka mas’uuliyiintaan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo kala duwan oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo amniga deegaannada ka tirsan gobollada dalka, laguna dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.