Aadan Madoobe “Hay’adaha dowladda waxay ku shaqeyn doonaan dastuurka cusub”

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa shaaca ka qaaday in wixii hadda ka dambeeya si rasmi ah loogu dhaqmi doono dastuurka cusub ee dalka, kaas oo qeexaya in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka uu noqdo shan sano.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dastuurkan cusub ee ay ansixiyeen xubnaha Baarlamaanka Federaalka uu si cad u qeexayo nidaamka iyo muddada ay xilka haynayaan hay’adaha dowladda, isla markaana uu meesha ka saarayo ku dhaqankii dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee dalka horay loogu maamulayay.

Aadan Madoobe ayaa caddeeyay in baarlamaanka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee dastuuriga ah ay si toos ah ugu shaqeyn doonaan qodobbada ku cad dastuurka cusub ee la ansixiyay, isagoona xusay in muddada hay’adaha dowladeed ee hadda la dejiyay ay tahay shan sano, taasoo si rasmi ah u noqoneysa nidaamka cusub ee dowladnimada Soomaaliya.

“Dastuurka hadda la ansixiyay intuu tilmaamay ayuu Baarlamaanku joogi doonaa, ma aha kii kumeel gaarka ahaa, dhammaan hay’adaha dastuuriga ahna intaas ayay joogi doonaan,” Sidaas waxaa yiri guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe

Dhinaca kale, Aadan Madoobe ayaa si adag uga digay cid kasta oo isku dayda inay ku dhaqanto wax ka baxsan dastuurka cusub ee ay ansixiyeen Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoona sheegay in qofkii ku dhaqma sharci ama nidaam aan waafaqsanayn dastuurka la ansixiyay loo aqoonsan doono dambiile, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

“Hay’adaha dowladda waxay ku shaqeyn doonaan dastuurka cusub, muddo xileedkuna waa 5 sano, qofkii ku dhaqma wax aan dastuurkaas ahayn oo dad gaar ah iska samaysteen waa in loo aqoonsadaa dambiile oo diiddan qarannimada dalka,” ayuu mar kale yiri Aadan Madoobe.

Hadalkan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan doodaha la xiriira hirgelinta dastuurka cusub iyo qaab-dhismeedka dowladeed ee Soomaaliya.

Dastuurkaan ay dhawaan ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu saldhig u noqdo nidaamka dowladnimada dalka, isla markaana mideeyo habraacyada sharci ee ay ku shaqeynayaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa aaminsan in dhaqan-gelinta dastuurka cusub ay door weyn ka qaadan doonto xoojinta dowladnimada, kala dambeynta sharci, iyo xasilinta siyaasadda dalka.

Dastuurkan cusub ayaa sidoo kale la filayaa inuu qeexo awoodaha hay’adaha dowladda, nidaamka doorashooyinka, iyo qaabka ay u wada shaqeynayaan hay’adaha dowliga ah, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo dowladnimo dhameystiran oo ka hanaqaadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta dastuurkan cusub ee Soomaaliya ayaa noqon karta tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo nidaam dowladeed oo ku dhisan sharci iyo hay’ado si cad u qeexan, iyadoo la rajeynayo inuu fududeeyo xasilinta siyaasadeed iyo horumarinta dowladnimada dalka.