Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan af-fur ah u qabtay xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo oo kulan af-fur ah u qabtay xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaadda tujinaya xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta kasoo qeyb-gashay af-furka

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaailya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan af-fur ah ku maamuusay xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyay dadaalka, dulqaadka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen muddadii ay socotay shaqada qaran ee lagu dhammeystiray dastuurka dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in guusha laga gaaray dhameystirka dastuurka ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya, isla markaana xoojinaysa midnimada qaranka, nidaamka dowladeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in dastuurka la dhameystiray uu noqon doono saldhigga ugu weyn ee lagu dhisayo hay’adaha dowliga ah ee dalka, isla markaana uu gacan ka geysan doono ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaam dowladeed oo ku dhisan sharciga, isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo af-furka kadib salaamaya xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta af-furka kasoo qeyb-gashay
Madaxweyne Xasan Sheekh oo oo kulan af-fur ah u qabtay xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo af-furka kadib salaamaya xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta af-furka kasoo qeyb-gashay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed iyo guddiyadii farsamo ee ka shaqeeyay arrimaha dastuurka, kuwaas oo uu sheegay inay door weyn ka qaateen sidii loo gaari lahaa heshiis qaran oo ku dhisan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu tilmaamay in dadaallada lagu dhameystiray dastuurka ay ku saleysnaayeen kartida iyo aqoonta khubarada gudaha, iyadoo aan loo baahnayn kaalmo shisheeye, taas oo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo oo kulan af-fur ah u qabtay xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka
Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta kasoo qeyb-gashay af-furka

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha dowladda inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku duubnida, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran oo ka tarjumaysa rabitaanka, horumarka iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.