Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Arusha ee dalka Tanzania, halkaas oo uu kaga qayb galayo Meertada 25-aad ee shir madaxeedka sanadlaha ah ee madaxda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Tanzania iyo saraakiil ka socotay Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyagoo muujiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay iskaashiga iyo horumarinta gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad rasmi ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo isku xirka bulshooyinka gobolka.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iftiimin doona fursadaha ay Soomaaliya ku kordhin karto iskaashiga gobolka, maadaama ay dalka ka go’an tahay horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga amniga ee dalalka xubnaha ka ah EAC.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la qorsheeyay inuu kulamo gaar-gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qayb galaya shir madaxeedka, kuwaas oo lagu falanqeyn doonaa arrimo muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Shir Madaxeedka 25-aad ee Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa sanadkan lagu falanqeynayaa arrimo muhiim u ah mustaqbalka iskaashiga gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah, horumarinta ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha, adkeynta iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo dardargelinta iskaashiga siyaasadeed iyo midka bulsho.
Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ah urur goboleed ay ku mideysan yihiin dhowr dal oo Bariga Afrika ah, kuwaas oo ka shaqeeya horumarinta ganacsiga, dhaqdhaqaaqa dadka iyo iskaashiga siyaasadeed iyo amniga gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee dalka uu ka qaadanayo iskaashiga iyo horumarka Bariga Afrika, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso xoojinta xiriirka dalalka deriska iyo kuwa gobolka.