Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan wadatashi iyo is xog-wareysi ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Kulankan oo dhacay xilli ay jiraan duruufo siyaasadeed, amni iyo bulsho oo saameyn ku yeeshay deegaannada Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee maamulkaasi, caqabadaha jira, iyo sidii xal mideysan oo waara loogu heli lahaa arrimaha mudnaanta u leh bulshada ku nool deegaannadaas.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kulanka ka qeyb galay ayaa guddoomiyaha golaha shacabka la wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaannadooda, iyagoona si gaar ah u muujiyay tabashooyin la xiriira dhinacyada amniga, maamulka, adeegyada bulshada iyo baahida loo qabo in si degdeg ah wax looga qabto xaaladaha taagan.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen in xasilloonida iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed ay ku xiran yihiin wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta dowladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanka.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo dhankiisa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka doorka muuqda ee ay ku leeyihiin nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada, ayaa tilmaamay in odayaashu ay laf-dhabar u yihiin isku haynta bulshada iyo xoojinta dowladnimada, isagoona ku booriyay inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ku taageerayaan nabadda, wadajirka iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in muhiimad gaar ah la siinayo dhageysiga bulshada iyo la tashiga qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay, si loo helo hannaan mideysan oo wax looga qaban karo caqabadaha jira, isagoona sidoo kale caddeeyay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo dowladnimada deegaannada Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku aaddan in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxeysa dowladda federaalka, bulshada iyo hoggaanka dhaqanka, si loo adkeeyo dowladnimada loona xaqiijiyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.