Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo kala jeeda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Qaar ka mid ah xildhibaanadan, oo shalay lagu xanibay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa ugu dambeyn gaaray Nairobi, halkaas oo kulankoodu ka qabsoomayo.
Sida wararku sheegayaan, kulankan waxaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed ee xildhibaanadaan iyo sidii ay u yeelan lahaayeen aragti mideysan oo ku saabsan arrimaha cakiran ee ka taagan dalka.
Warar laga helayo xildhibaanada ku sugan Nairobi ayaa tilmaamaya in ajandaha kulanka uu ku jiro qiimeynta xaaladda guud ee dalka, xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, iyo sidoo kale xaaladaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, xildhibaanadan ayaa qorsheynaya inay isla meel dhigaan mowqif siyaasadeed oo wadajir ah, si ay uga falceliyaan isbeddellada siyaasadeed ee socda, islamarkaana ay u muujiyaan isku duubni siyaasadeed oo wax ku ool ah.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan hanaanka dowlad-dhiska, awood-qaybsiga iyo xiriirka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.