Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa soo saaray xeer madaxweyne ee uu ku magacaabay taliyaha saldhigga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wareegtada oo summaddeedu tahay Xeer Madaxweyne Lr: 160, 22 March 2026, ayaa lagu magacaabay Guure Mukhtaar Ibraahim Maxamed inuu noqdo taliyaha saldhigga booliska magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sida ku xusan qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Koonfur Galbeed, magacaabistan ayaa dhaqan-gashay laga bilaabo 22-ka Maarso 2026, waxaana lagu saleeyay dastuurka iyo xeerarka la xiriira ciidanka booliska iyo maamulka amniga ee maamul goboleedka Koonfur-Galbeed.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray hay’adaha ay khuseyso inay meel mariyaan oo fuliyaan xeerkan, si loo xoojiyo shaqada laamaha amniga iyo habsami-u-socodka maamulka booliska ee magaalada Baydhabo.
Si kastaba ha ahaatee, magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu maamulka Koonfur Galbeed ku xoojinayo amniga, kala dambeynta iyo tayeynta hoggaanka hay’adaha booliska ee ka howlgala deegaanada maamulkaas.
