Afhayeenka Eric Trump oo beenisay inay jiraan wada-hadal ku saabsan maalgashi iyo siyaasad

Afhayeenka Eric Trump oo beenisay inay jiraan wada-hadal ku saabsan maalgashi iyo siyaasad
Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro oo salaamaya Eric Trump oo ah wiilka madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump

Afhayeen u hadlay Eric Trump, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u beenisay wararka sheegaya in wax kullan ah uu dhex maray Eric Trump iyo madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo ku saabsan dekedda Berbera, kadib munaasabad ka dhacday madasha dhaqaalaha adduunka ee Davos ee dalka Switzerland.

Afhayeenadda oo lagu magacaabo Kimberly Benza ayaa sheegtay in madaxweyne Cirro uu ka qeyb-galay cashada soo dhaweynta islamarkaana uu sawir la galay Eric Trump, balse diiday sheegashada ah in labada dhinac ay yeesheen wada-hadallo ama ay ka hadleen arrimo siyaasadeed ama mid dhaqaale toona.

“Marna Eric Trump kullan lama uusan yeelan madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro, sidoo kale, marnaba kama uusan hadlin arrin deked la xiriirta,” ayay Benza ku sheegtay bayaan rasmi ah.

Dhinaca kale, waxay sheegtay in kullankaasi uu ahaa mid aan dhaafsiisneyn is-salaam iyo hadal guud, balse waxyaabaha la faafinayo ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin.

Sidoo kale, waxay sheegtay in qolka ay joogeen in ka badan 100 qof, islamarkaana Eric Trump uusan wax falcelin ah ka bixin ama uusan ka hadlin hadalkii uu madaxweyne Cirro ka jeediyay goobta.

Dhawaan ayaa warbaahinadda qaarkood baahiyay muuqaalka madaxweyne Cirro oo ka istaagay goobta cashada, si uu hadal ugu jeediyo kasoo qayb-galayaasha, isagoo ku hadlaya makarafoon, ugana warbixinayay taariikhda Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo la xiriira midowga labada dhinac.

SI kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro iyo Eric Trump ayaa inta casho sharafta socotay la arkayay iyagoo is-dhaafsanaya hadallo kooban iyo salaan, balse aan la xaqiijin karin waxyaabe hoosaadka ay ka wada hadleen, inkastoo ay afhayeenadda beenisay in wax aan salaanta dhaafsiisnayn laga wada-hadlay.