Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, kadib howlgallo culus oo ay halkaasi ka sameeyeen.
Ciidankaasi ayaa sida la sheegay bar-tilmaameedsaday koox ka tirsan Al-shabaab oo in muddo ah ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee ku xeeran deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Sh/dhexe.
Saraakiisha hogaaminaysay ciidankaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ay marka hore jareen marinadii ay kooxda u mari jirtay sahayda iyo gurmadka, taas oo sahashay in si toos ah loo weeraro fariisimihii ay ku sugnaayeen.
Kooxda Al-shabaab ayaa sida la sheegay weerarkaasi lagu gaarsiiyay jab aad u xooggan, waxaana laga dilay saraakiil u qaabilsanaa abaabulka falalka amni-darrada ah ee gobolka Sh/dhexe, halka tiro kalena laga dhaawacay.
Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Jabad-Godane ayaa sheegay in qeybo ka mid ah wadooyinka ay ku arkeen meydadka Al-shabaab oo daadsan, waxaana la sheegay in qaarkii kale ee bad-baaday ay ku carareen kaymaha ku dhow deegaankaas.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeysay bilaabay howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, taas oo sare u qaadaysa kalsoonida shacabka iyo ciidamada, islamarkaana wiiqeysa awoodda maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan deegaanada gobolka Sh/dhexe.