Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Khaasim Yuusuf, iyo Agaasimihii hore ee hay’adda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.
Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil iyo shaqaalaha hay’adda, halkaas oo intii ay socotay munaasabadda lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadkii ay hay’addu gaartay muddadii uu xilka hayay agaasimihii hore, iyo sidoo kale qorshayaasha horumarineed ee la doonayo in la hirgeliyo xilliyada soo socda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in hay’addu ka mid tahay hay’adaha laf-dhabarta u ah sugidda amniga qaranka, isagoo xusay in ay door weyn ku leedahay la socodka dhaqdhaqaaqyada ka jira xuduudaha dalka, hubinta nidaamka socdaalka, iyo ilaalinta ammaanka gudaha.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in hay’addu si weyn uga shaqeyso bixinta adeegyada muhiimka u ah muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan adeegyada baasaboorka iyo dukumiintiyada socdaalka, isla markaana la sameeyay dadaallo lagu horumarinayo adeegyadaas si shacabka loogu fududeeyo helitaanka adeegyada ay u baahan yihiin.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ku booriyay Agaasimaha cusub inuu sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo tayada adeegyada hay’adda, isla markaana uu sii ambaqaado qorshayaasha lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka iyo jinsiyadda dalka.

Dhinaca kale, Agaasimaha cusub ee hay’adda, Xuseen Khaasim Yuusuf, ayaa ballan qaaday inuu sii wadi doono horumarinta shaqada hay’adda, isla markaana uu xoogga saari doono kor u qaadista adeegyada, hufnaanta shaqada, iyo xoojinta kalsoonida shacabka.

Ugu dambeyn, Agaasimihii hore ee hay’adda, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shaqaalaha hay’adda wada-shaqeyntii wanaagsaneyd ee ay yeesheen muddadii uu xilka hayay, isagoo u rajeeyay hoggaanka cusub guul iyo horumar.