Dalal badan oo si adag uga falceliyay safiirka ay Israa’iil usoo magacawday Somaliland

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalal badan oo caalamka ah ayaa si adag uga falceliyay go’aan ay Israa’iil ku shaacisay inay wakiil diblomaasiyadeed u magacawday Somaliland, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid si toos ah u dhaawacaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dalalka bayaanka wadajirka ah soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Qatar, Kuwait, Saudi Arabia, Egypt, Sudan, Libya, Bangladesh, Algeria, Palestine, Turkey, Indonesia, Pakistan, Mauritania, Jordan iyo Oman, kuwaas oo dhammaantood si wadajir ah u cambaareeyay tallaabadaasi.

Bayaanka wadajirka ah ayaa lagu sheegay in go’aanka Israa’iil uu ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah beesha caalamka, taas oo sheegeen inaan la aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa dowladnimada Soomaaliya.

Dalalkan ayaa muujiyay taageeradda buuxda oo ay u hayaan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in hay’adaha rasmiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay yihiin kuwa kaliya ee si sharci ah u metela shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, bayaanka ayaa ka digay in go’aanka Israa’iil uu keeni karo cawaaqib siyaasadeed iyo mid amni oo saameyn ku yeesha xasilloonida gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu halis gelin karo nabadda iyo amniga guud ee gobolka.

Ugu dambeyn, dalalkan ayaa ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu eego tallaabadan, si looga hortago xiisado hor leh oo ka dhalan kara gobolka iyo guud ahaan xiriirka caalamiga ah.