Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Serbia Duro Macut

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay ra'iisul wasaaraha Serbia Duro Macut

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga kulan laba-geesood ah kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Serbia, Đuro Macut, halkaasi oo uu ka socday Madasha 5-aad ee Diblomaasiyadda Antalya.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ballaaran oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Serbia, iyadoo labada dhinac ay isla qireen in xiriirkooda uu leeyahay taariikh dheer oo dib ugu laabaneysa 1960-meeyadii, xilligii dhaqdhaqaaqa dalalka aan xulafada la ahayn.

Ra’iisul wasaaraha Serbia, Đuro Macut, ayaa muujiyay taageerada dalkiisu u hayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay Soomaaliya mowqifkeeda ku dhisan ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka Qaramada Midoobay, iyo ilaalinta qawaaniinta caalamiga ah.

Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan qaybaha shidaalka, gaaska iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu tilmaamay inay leeyihiin fursado maalgashi oo ballaaran.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo iskaashiga waxbarashada, is-weydaarsiga ardayda iyo xiriirka jaamacadaha, iyo in la dhiirrigeliyo ganacsiga iyo xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dal.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa muujiyay rabitaan ay ku sii xoojinayaan xiriirka mustaqbalka, iyadoo lagu saleynayo is-ixtiraam, dan wadaag iyo iskaashi waara.