Diyaarad dagaal oo Mareykanka leeyahay islamarkaana nooceedu yahay F-15E ayaa lagu soo riday gudaha dalka Iiraan, iyadoo ciidamada Mareykanka ay bilaabeen howlgallo culus oo lagu badbaadinayo duuliyeyaasha diyaaradaas.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in diyaaradda lasoo riday ay tahay nooca F-15, islamarkaana la raadinayo laba duuliye oo la rumeysan yahay inay ku dhaceen gudaha dhulka Iiraan, gaar ahaan dhanka galbeed ee dalkaas.
Sida ay tilmaamayaan wararka ka imaanaya gudaha Iiraan, Mareykanka ayaa wada howlgal lagu baadigoobayo duuliyeyaasha, iyadoo la sheegay in raadintooda ay ka socoto laba goobood oo kala duwan.
Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in howlgaladaas ay sababeen iska horimaadyo xoogan oo dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo ciidamada dhulka ee Iiraan, kuwaas oo la sheegay inay geysteen khasaare soo gaaray ciidamada Mareykanka, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin warkaas.
Dhinaca kale, teleefishanka dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqay in abaalmarin lacageed lasiin doono cid kasta oo bixisa macluumaad ku saabsan halka ay ku sugan yihiin duuliyeyaashaasi Mareykanka ah.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli xiisadda u dhaxeeysa Mareykanka iyo Iiraan ay sare u kacsan tahay, iyadoo arrinkaan cusub ay sii kordhin karto walaaca ku saabsan suurtagalnimada isku dhac ballaaran oo ka dhaca dalkaas.