Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si kulul u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isagoo ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan dano shisheeye oo lid ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida dalka.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kooxdan ay wadaan olole siyaasadeed oo uu ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo dowladnimada iyo dadaallada lagu xasilinayo xaaladda amni iyo mid siyaasadeed ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay xiriir la leeyihiin dowlado shisheeye, isla markaana qaar ka mid ah ay si toos ama dadban u taageeraan Al-shabaab, taasoo halis ku ah amniga iyo mustaqbalka dalka.
“Kooxdan waa daba-dhilif u adeegaya dano shisheeye, mana ahan kuwo ka shaqeynaya horumarka Soomaaliya iyo danta shacabka, dowladda si dhow ayay ula socotaa dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay wadaan” Sidaas waxaa yiri wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Axmed Macalin Fiqi
Ugu dambeyn, wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tallaabo sharci ka qaadi doonto xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, haddii lagu helo falal khatar gelinaya amniga iyo xasilloonida dalka.