Taliyihii hore ee ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan (Taliye Shub), ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay doorkii uu ku lahaa dadaalladii lagu doonayay in lagu joojiyo colaaddii ka dhacday magaalada Baydhabo, isagoo sidoo kale iftiimiyay dhacdooyin la xiriiray khilaafka siyaasadeed ee xilligaas ka taagnaa maamulka Koonfur Galbeed.
Taliye Shub ayaa sheegay in xilli uu xaalad caafimaad u joogay dalka Turkiga uu teleefoonka kasoo wacay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ku amray inuu si degdeg ah dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.
Sida uu sheegay, markii uu dalka dib ugu soo laabtay islamarkaana uu tagay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, uu halkaasi ku arkay abaabul ciidan oo ka socday gudaha madaxtooyada, kaasoo uu sheegay inuu ku wajahnaa maamulka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo xaaladda, isaga oo soo jeediyay in khilaafka jira lagu xalliyo wada-hadal si looga hortago dagaal ka dhaca Baydhabo, balse uu madaxweyne Xasan Sheekh ugu jawaabay inuusan waxba ka qaban karin arrintaasi balse uu isaga wax ka qaban doonno.
“Markii aan Turkiga ka imid, waxaan arkay abaabul ciidan oo ka socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo ku wajahnaa maamulka Koonfur Galbeed, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay in khilaafka jira lagu dhameeyo wada-hadal, balse wuxuu iigu jawaabay inaan waxba ka qaban karin aniga, balse uu isaga wax ka qaban doono” Ayuu yiri Taliye Shub oo jawaabta uu ka helay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay mid hore loo qorsheeyay islamarkaana go’aan laga gaaray.
Sidoo kale, Taliye Shub ayaa sheegay in labo maalmood kadib markii uu Muqdisho joogay la geliyay xaalad uu ku tilmaamay xabsi guri, islamarkaana xilkii uu hayay laga qaaday.
“Labo maalmood kadib markii aan joogay Muqdisho waxaa la igu amray inaan gurigayga ka bixi karin, waxaana la igu wargeliyay in xilkii la iga qaaday,” ayuu yiri Taliye Shub oo sheegay in xitaa madaxweynaha uu ku taliyay in mobilke uu haystay laga qaado balse aan laga qaadin.
Dhinaca kale, Taliye Shub ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta maamulka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay inuusan aqoonsanayn wararka la xiriira iscasilaadda lagu sheegay inuu sameeyay madaxweynihii hore ee maamulkaas, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Sidoo kale wuxuu ka digay in xaaladda ka taagan Baydhabo ay dib u soo celin karto colaaddii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay sanadkii 1991, haddii aan xal deg deg ah loo helin.
“Markii hay’adaha dowladda ay Baydhabo tageen, halkii laga filayay inay mideeyaan bulshada waxay ku dhammaatay kala qaybsanaan qabiil, waxay arrintaasi dib u soo celisay sawirradii colaaddii 1991, waxaana jira cabsi ah in xaaladdu ay ku faafto deegaanno kale oo dalka ka mid ah,” ayuu yiri Taliye Shub.
Ugu dambeyn, Taliye Shub ayaa ku baaqay in la helo xal siyaasadeed oo wax looga qabto xaaladda ka taagan magaalada Baydhabo, si looga hortago in murannada siyaasadeed ay isu beddelaan colaad hubeysan oo ku saleysan qabyaalad, taas oo sii fogeyn karta xasilloonida iyo wadajirka bulshada.