Maamulka waqooyi Bari oo taageeray wax-ka-beddelka dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka

Madaxweynaha maamulka waqooyi bari Soomaaliya, C/qaadir Axmed Awcali (Firdhiye)
Madaxweynaha maamulka waqooyi bari Soomaaliya, C/qaadir Axmed Awcali (Firdhiye)

Maamulka waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u taageeray wax-ka-beddelkii dhawaan lagu sameeyey dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo qorshaha dowladda federaalka ee dalka ku hirgelinayso doorashooyin “qof iyo cod ah”.

Madaxweynaha maamulka waqooyi bari Soomaaliya, C/qaadir Axmed Awcali (Firdhiye), ayaa si weyn u soo dhaweeyey wax-ka-beddelka dastuurka, isagoo sheegay in maamulka ay si dhab ah uga shaqeyn doonaan hirgelinta dastuurka cusub iyo qabashada doorashooyin “qof iyo cod ah” oo dalka ka dhacaya.

“Waxaan soo dhaweynaynaa dastuurka wax laga beddelay, waxaana si dhab ah uga shaqaynaynaa hirgelinta doorasho “qof iyo cod ah,” oo dalka ka dhici doonta” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Firdhiye.

Dhinaca kale, madaxweyne Firdhiye ayaa sheegay in maamulka Waqooyi Bari uu ka go’an yahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwo hufan, cadaalad ku dhisan, isla markaana ka tarjuma rabitaanka shacabka, isagoo xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay xasiloonida dalka iyo dhismaha dowladnimo xooggan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray madaxweyne Firdhiye ayaa imaanayaa xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u shaacisay inay bilawday dhaqan-gelinta wax-ka-beddelka dastuurka cusub iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah, kuwaas oo bedelaya hanaankii hore ee doorashooyinka, oo ahaa mid dadban.